Home Editor's pick Betelhem Dessie waa ayo ?

Betelhem Dessie waa ayo ?

6
0

Is barta Betelhem Dessie oo ah Injineer 19-jir ah oo degan dalka Itobiya.

Betelhem Dessie waxay ka mid noqotay dhalinyarta horseed ka ah dhinaca technology-ga IT-ga ee dalalka Africa.

Waxa ka mid ah barnaamijka la yaqaan Robotics lab iCog oo ujeedadiisu tahay inay kor uqaadaan ka qaybgalka iyo horumarinta dalka Itoobiya dhinaca IT-ga.

AI

Si gaar ah waxay Dessie aad uga shaqaysaa farsamada loo yaqaano AI ama Artificial Intelligence. AI waxa weeyaan farsamo ka kooban Software iyo Hardware lagu samayn karo waxa loo yaqaan Robots ama Automation iskood u shaqayn kara oo iskood go’aamo u gaadhi kara iyadoon bani-aadamku soo dhex galin.

Kaalinta ay AI ay ka qaadanayso horumarinta Afrika gabi ahaan, ayaa loo haystaa inay tahay mid aad u mihiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here