Home Qoraallo LAYSU JOOJIN MAAYO!: Cali Gurey

LAYSU JOOJIN MAAYO!: Cali Gurey

4
0

Somaliland ahmiyadda jiyo-siyaasiga ah ee ay leedahay si wayn ayaa beryan dambe oo dhan dunida looga hadal hayaa. Ama ha jiro warkani ama yuu jirine inta danaynaysa Somaliland ee dalalka dunidu way badan yihiin. Waxase la yaab leh sida raqiiska ah ee Dawladda Imaaraadku ay kula wareegtay Madaarkii Berbera ee ku hayshay inay Saldhig Milatari ka dhigato iyadoo haba yaraato eh aan waxba dhaafsanin ilaa hadda e bilaash kula wareegtay. Waxa taa ka masuul ahayd xukuumaddii hore laakiin waxa looga fadhiyay welina ay shacbiga Somaliland marti uga yihiin xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi inay hoos u eegto heshiis-ku-sheegii hore loola galay Imaaradka oo ay ogaato dadkana u sheegto danta ugu jirta Saldhigga Imaaraadka.

Waxa jira werwer badan oo laga qabo lagana qabi karo hadii sidaa fudud ee bilaa shuruudda ah ay magaalada Berbera ciidamo shisheeye ugu gacan gasho. Ka soo qaad oo hadii sabab kasta ha ku dhacdo eh ay dhacdaba inu xidhmo madaarka Hargaysa ama ay noqoto in dayaaradaha waawayn ee ka soo dagaa ay ka soo degi kari waayaan halkee ayay dadka Hargaysa ka dhoofi jiray ama ka soo degi jiray ugu dhaw inay ka soo degaan ama ka dhoofaan? saw Jabuuti iyo Jigjiga iyi Boosaaso noqon mayso?

Waxaynu maqli jirnay madaar kale ayaa Berbera laga dhisayaa mana jiro ilaa hadda. Ta ka sii daran google-ka bal ku dul tag waxa laga dhisay iyo waxa iska bedelay Madaarkii Berbera iyo xataa dekedaha la inoogu sheegay Jetty-ga ee aan cid Somaliland ah oo la socota ama wax ka ogiba aabay jirin.

Waxa ka sii daran khataraha laga yaabo inay la soo dersaan Somaliland marka hawsha dhismaha saldhiggan oo isagu dhamaad ku dhow lagana yaabo inu dhamaado xataa inta aanu bilaabmin mashruucii balaadhinta Dekedda Berbera oo weliba ay soo degaan ciidamo shisheeye oo laga yaabo inay noqdaan intooda badani calooshood u shaqaystayaal aan Imaaraatiyiin iyo carab iyo muslin toona ahayn

Ugu dambaystii saldhigan hadii sidaa ay kula wareegto waabay kula wareegtaye dawladda Imaaraadku dadkii masaakiinta ahaa ee lahaana agtiisa ku gaajoonayaan oo aanay waxba tarayn wax shakhsiyaad gaar ah jeebabkooda ku dhacayna ka socon maayaa oo naagtii uu yidhi ma kula tahay rubbad baad inan ku dhali waxay ka dhaxli doonaan nac iyo nacayb iyo weliba colaad ay ka galabsadeen dadka Somaliland ee hantidoodii looga faromaroojiyay ee hadh cad kala wareegeen iyadoo aanay jirin haba yaraato eh wax ay ugu bedeleen. Inta xaalka saldhigani sidaa yahay ee madmadowga badani ku jiro anigu halka Muqdisho ka taagan tahay ayaan ka taaganahaye waayo damiirkaygu ma aqbali karo.

Tan Iyoobiya hadii ay jirto waa halis sideeda u taal waayo Itoobiya way kala taqaan Somaliland iyo Somaliya hadii ay talaabad qaado xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Itoobiya wuxu gaadhi karaa heer aad u xun.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh xukuumadda Somaliland waxan leeyahay fadhiga ka kaca indhihiinana fura oo arka waxa agtiina iyo hareeihiinaba ka socda. Waa maxay bustahan qoyan ee idin saarani dunidii mid waliba dantiisa ayuu u xaydan yahay cid u danaynaysa cid kalena ma jirto kii dantiisa garan waayana loo joojin maayo eh.

Caligurey
و الهُ على ما اقول وكيل

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here